Nov 14(Jowhar)-Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa, caasimadda dalka Itoobiya, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.
Markii ay gaareen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Bole, waxaa halkaas ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Gedion Timotheos, iyo xubno kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Itoobiya.
Soo dhoweynta Madaxweynaha Somaliland ayaa ahayd mid heer sare ah, iyadoo la arkayay ciidamo han maamuus ah iyo masuuliyiin sar-sare oo Itoobiyaan ah oo ku sugan garoonka. Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in booqashada Cirro ay tahay mid muhiim u ah xoojinta xiriirka siyaasadeed, ganacsi iyo amni ee u dhexeeya Hargeysa iyo Addis Ababa.
Wararka la helayo ayaa intaas ku daraya in wada-hadallo rasmi ah ay hadda u socdaan labada dhinac, kuwaas oo lagu gorfeeynayo arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga dhaqaalaha, isu-socodka ganacsiga, iyo arrimaha amniga gobolka.
Wafdiga Madaxweynaha Somaliland ayaa ka kooban wasiiro iyo la-taliyeyaal sare, halka dhinaca Itoobiya ay kulammada ka qeybgalayaan mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo wasaaradda arrimaha dibadda.
Madaxweynaha Somaliland ayaa la filayaa inuu kulamo gaar ah la yeesho Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo madax kale oo sare, kuwaas oo diiradda lagu saari doono xiriirka labada dhinac iyo mustaqbalka iskaashiga gobolka Geeska Afrika.