Madaxweynaha Soomaaliya oo gabar uu dhalay Madaxweynaha Jabuuti ka doonay Madaxweynaha Somaliland

Dec. 08 (Jowhar.com) -Munaasabad aad u heer sareysay oo Dhaqan ah ayaa waxaa gabar uu dhalay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ka doonay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana bixiyay abtigeed Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Gabadha oo magaceeda la yiraahdo Heybado Ismaaciil Cumar Geelle ayaa loo doonay laguna mehriyay Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan waxana uu maanta meherkooda ka dhacay Qasriga Madaxtooyada ee dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle sida maamuuska leh ee uu uga aqbalay doonista gabadhiisa Haybado Ismaaciil Cumar oo maanta loo doonay Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xusay dhaqanka gacalnimada, islaamnimada iyo Soomaalinimada leh ee soo jireenka ah kaas oo uu ku bogaadiyey walaalkiis Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi guddoonsiinta gabadhan uu abtiga u yahay.

“Waxaa hore loo yiri rag waxa ugu han weyn ninka gabar nin dhalay yiraahda i siiya, waxaana ugu deeqsisan ninka siiya. Haybado Ismaaciil Cumar Geelle, waxaan ka doonaynaa abkeed, abtiyaasheed iyo aabbaheedba oo aan waydiisanayno in gabadha nala siiyo oo na loo meheriyo annaga oo ku taagan jidkii gacalnimada Islaamka iyo Soomaaliduba lahayd ee soo jireenka ahaa”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in walaalnimada dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti uu maanta ku kordhay gacal iyo xididnimo isagoo qoyska cusub Alle uga baryey in uu isu barakeeyo, kalana siiyo ubad iyo nolol wanaagsan, isagoo xasuusiyey qiimaha ay xanbaarsan yihiin midowgooda, maadaama ay isu guuriyeen labo Qaran oo walaalo ah, wadaagana dhaqan, dhiig iyo taariikh soojireen ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More