Madaxweynaha Soomaaliya oo salaadda ciida kula tukaday shacab Masjidka Isbaheysiga Islaamka

Apr 10 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saakay Masaajidka Isbaheysiga Islaamka salaada ciida kula tukaday, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo kumanaan shacab ah oo isaga kala yimid daafaha magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalmahan barakaysan ee Ciiddul Fidriga, shacabka Soomaaliyeed ayuu Alle uga baryay in sannadkan kiisa xigga ay ku gaaraan, amni, barwaaqo iyo caafimaad, isagoo ku baaqay in dadka tabarta yar la garab istaago.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Aadan Maxamed Nuur Madoobe, wasiiro, Xildhibaano ayaa kamid ahaa madaxdii sidoo kale salaadda kula tukaday Isbaheysiga Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More