Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy oo booqasho uga bilaabatay Maraykanka

Dec. 21 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa booqashadiisii ugu horeysay tan iyo markii uu dagaalku ka bilowday dalkiisa ku tegey magaalada Washington ee dalka Maraykanka.
Zelenskiy ayaa sheegay inuu wadahadal la yeelan doono madaxweyne Joe Biden si loo xoojiyo awoodda difaaca Kyiv ee ka dhanka ah duullaanka Ruushka.

Lataliyaha dhanka siyaasadda ee Zelenskiy, Mykhailo Podolyak ayaa horay u sheegay in booqashadiisa oo ah tii ugu horeysay ee uu dibadda u aado tan iyo markii uu Ruushku soo duulay 300 oo maalmood ka hor, ay muujisay kalsoonida qotoda dheer ee ka dhaxaysa Kyiv iyo Washington, waxayna u soo bandhigtay fursad uu ku sharxo hubka uu Kyiv u baahan yahay.

“Waxaan qaban doonaa wadahadalo xiriir ah oo lagu xoojinayo adkeysiga iyo awoodda difaaca ee Ukraine,” Zelenskiy ayaa ku yiri hadal uu soo dhigay Telegram oo ay weheliyaan sawirradiisa isaga oo ku sugan carrada Mareykanka isagoo isku diyaarinaya inuu wadahadal kula galo Biden Aqalka Cad.

Waxaa lagu wadaa in ay labada hoggaamiye ay si wadajir ah u qabtaan shir jaraa’id kadibna tagaan Capitol Hill si ay ugala hadlaan fadhi wadajir ah oo ay leeyihiin Senetka iyo Aqalka Wakiilada Mareykanka.

Kahor imaatinka Zelenskiy, Xoghayaha Arimaha Dibada Antony Blinken ayaa ku dhawaaqay in Mareykanka uu bixin doono $1.85 bilyan oo kale oo gargaar militari ah oo ay ku jirto nidaamka difaaca hawada ee Patriot si uu uga caawiyo Ukraine in ay isaga ilaaliso gantaalada Ruushka.

Ukraine ayaa todobaadyadii la soo dhaafay la kulmeysay duqeymo isdaba joog ah oo uu Ruushku ku hayo kaabayaashiisa tamarta, taasoo keentay in malaayiin qof ay waayaan koronto ama biyo xilliga jiilaalka oo qabow badan.

Afhayeenka Golaha Ammaanka Qaranka ee Aqalka Cad, John Kirby, ayaa MSNBC u sheegay in diblomaasiyadda ay kala hadli doonaan Zelenskiy, balse hoggaamiyaha Ukraine aan wax cadaadis ah lagu saari doonin wadahadallada nabadda.
Kirby ayaa sheegay in Washington aysan arkin wax calaamad ah oo muujinaya in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu doonayo inuu ka qayb qaato nabadaynta.

Kremlin-ka ayaa sheegtay Arbacadii inaysan arkin wax fursad ah wadahadal nabadeed oo lala yeesho Kyiv. Afhayeenka Dmitry Peskov wuxuu sheegay in sii wadida saadka reer galbeedka ee hubka Ukraine ay horseedi doonto colaad qoto dheer.

Ruushka ayaa gudaha u galay Ukraine 24-kii Febraayo isagoo ujeedkiisu ahaa inuu maalmo gudahood ku qabsado caasimadda Kyiv, goolkaas oo si degdeg ah u noqday mid aan la gaarin. Moscow ayaa markaa diiradda saartay sidii ay hore ugu sii socon lahayd bariga iyo koonfurta, laakiin waxa soo gaaray guuldarrooyin isxigxiga tan iyo xagaagii – iyada oo ay jiraan warbixino baahsan oo ku saabsan abaabul-la’aan, tababar xumo iyo qalab-xirfadeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More