Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo goordhow shir u furmay

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa shir ku leh Hotel ku yaalla gudaha Xerada Xalane ee xeyndaabka garoonka, Shirkan ayaa ah kii labaad oo ay isugu yimaadaan shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed.

Sida wararku sheegayaan shirkan ayaa looga hadlayaa is mari waaga ka taagan doorashada iyo sidii xal looga gaari lahaa caqabadaha ku horgudban hirgelinta doorashada.

Shirkan ayaa ka duwan shirkii habeen hore dhex maray shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed, waxaana muuqata is faham bilow ah oo u dhaxeeya.

Ilo ku dhow dhow Shirkan ayaa sheegaya in Beesha Caalamka ay gadaal ka riixayaan shirka, si dowlad Goboleedyada heshiis ugu gaaraan ajandaha shirka soo socda.

Shirkan ayaa waxaa ku biiraya Midowga Musharaxiinta, si looga dhageysto tallooyinkooda iyo aragtidoda ku aadan xal u helida is mari waaga taagan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More