Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofurgalbeed oo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Madxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed ayaa gaaray maanta magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Laftagareen ayaa ka soo laabtay safar uu ku tegey dalka Turkiga halka Madaxweynaha Galmudug oo ka soo ambabaxay magaalada Dhuusamareeb.

Mas’uuliyiin ka kala tirsan labads Gole ee dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho kusoo dhaweeyeen labada Madaxweyne ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Ujeedka imaanshaha labadan Madaxweyne ayaa la sheegay inuu salka ku hayo khilaafka Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday ee Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ee ka dhashay kiiska Ikraan Tahiil oo ka tirsaneyd Saraakiisha Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya.

Lama oga sida ay uga qeybqaadan karaan sidii loo xalin lahaa khilaafka salka ku haya kiiska Ikraan Tahliil labadan madaxweyne maadaama aysan labada maamulba weli si rasmi ah ugaga hadlin khilaafkan.

 

Labadan Madaxweyne ayaa loo tiriyaa inay gacan saar la leeyihiin Madaxweynaha muddo xilleedkisiu dhamaaday ee Farmaajo.

Khilaafka xoogeystay ee u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo salka ku haaya maqnaanshaha Ikraan Tahliil, waxana khilaafkooda uu saameeyay Hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More