Madaxweynayaashii Hore ee Soomaaliya oo ka hadlay ku takrifalka Dhulka Danta Guud

0
179

Aug 19 (Jowhar)-Saddexdii madaxweyne ee hore ee dalka, Cabdqaasim Salaad Xasan, Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ayaa soo saaray warsaxaafadeed wadajir ah oo ay kaga hadlayaan arrimaha ku takrifalka dhulka danta guud ee magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay tacsi loo dirayo qoysaska iyo qaraabada dadkii ku dhintay dhacdooyinka la xiriira dhulka danta guud, iyadoo Eebbe loogu baryay naxariis Jano iyo caafimaad kuwa dhaawacmay.

Madaxweynayaashii hore waxay si gaar ah u tilmaameen qodobbo dhowr ah oo ka tirsan Dastuurka KMG ah iyo Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud, kuwaas oo qeexaya in dhulka danta guud loo isticmaalo si waafaqsan sharciga, lagana fogaado iibinta ama xadgud lagu sameeyo.

Warsaxaafadeedka ku wajahnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayey uga codsadeen:

1. Inuu ka hortago ku takrifalka hantida danta guud, uguna adeego dadka dan yarta ah.

2. In si degdeg ah loo dejiyo qorshe lagu xaqiijinayo in shacabka helaan degaan sharci ah.

3. In dhulka danta guud gacanta dowladda dib loogu soo celiyo, lana maro hannaanka sharciga ah.

Madaxweynayaashii hore ayaa ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed aysan oggolaan in hantida guud ee qaranku noqoto mid lagu takri-falo ama lagu ganacsado, maadaama ay tahay hanti ummaddu wada leedahay oo sharcigu difaacayo.