Madaxweyne Cagjar oo shaaciyay saamiha DDS ee dakhliga shidaalka deegaanka laga soo saarayo

0
98

Nov 14(Jowhar)-Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar, ayaa shaaca ka qaaday in Soomaalida deegaankaasi ay heli doonaan boqolkiiba 50 (50%) dakhliga ka soo xarooda shidaalka laga soo saaro gudaha deegaanka.

Madaxweyne Mustafe oo ka hadlayay munaasabadda xuska maalinta calanka Itoobiya, ayaa sheegay in go’aankan lagu saleeyay nidaamka sharci ee dalka u yaalla, islamarkaana uu yahay mid ay golayaasha federaalka iyo deegaanka si cad u ansixiyeen.

“Shidaalka, khayraadka, ganacsiga, iyo shaqo-abuurka ka imaanaya, waxaa si rasmi ah loo caddeeyay in boqolkiiba konton (50%) uu gaar u yahay deegaanka Soomaalida. Qaybta kale ee dakhliga ahna waa tan dowladda dhexe u isticmaasho dhismaha iyo horumarinta guud ee dalka,” ayuu yiri Mustafe.

Madaxweynaha ayaa si adag uga jawaabay eedeymo siyaasadeed oo la xiriira maamulka khayraadka deegaanka, isagoo sheegay in dadka si khaldan u fasiraya arrimahaas ay wadaan dano shaqsiyeed iyo kuwo siyaasadeed.

“In la isku dayo in si khaldan loogu sawiro qorshayaasha dowladda deegaanka iyo kuwa federaalka waa nasiib darro. Lacagaha dowladda dhexe ku bixiso mashaariicda dalka oo dhan waa kuwa miisaaniyad ahaan loo qorsheeyay, sidaas darteed, dadka doonaya inay siyaasad ku dhex arkaan arrin sharci ah waa kuwo aan dan guud ka lahayn,” ayuu raaciyay Madaxweyne Mustafe.

Shidaalka laga soo saaro deegaanka Soomaalida ayaa la filayaa inuu door weyn ka qaato dhaqaalaha Itoobiya, iyadoo Dowladda Deegaanka Soomaalidu ay rajeynayso in saamigan cusub uu furo fursado shaqo, ganacsi iyo horumar deegaan.