Madaxweyne Cali Guudlawe oo shir guddoomiyay kulanka Amniga Hirshabelle

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka Amniga Dowladda Hirshabeelle.

 

Shirka oo ay ka qeybgaleen Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Taliyaha Guutada 3aad qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, iyo saraakiisha qeybta, Taliyaha Madaxtooyada, Taliyaha Nabada Sugida Hirshabeelle, saraakiil ka socotay taliska booliiska Hirshabeelle, saraakiisha qeybta guud ee Gobolka, iyo Agaasinka Madaxtooyada ayaa looga hadlay dardargalinta amniga guud ee Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa ayaa faray saraakiisha hay’addaha Amniga inay xoojiyaan oo ay laba laabaan amniga deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan Magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne oo ay ka dhacayaan dhowaan doorashooyinka xildhibaanada golaha shacabka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More