Madaxweyne Deni oo wadahadal ugu baaqay mucaaradkiisa
Nov 18 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa markiisii u horeysay shaaciyay inuu diyaar u yahay inuu la garnaqsado mucaaradkiisa diidan hanaanka doorashada maamulkaasi uu wado.
Deni oo ka hadlayay kulan ka dhacay magaalada Garoowe ayaa si cad u sheegay inuu diyaar u yahay inuu garnaqsi la galo siyaasiyiinta mucaaradka.
Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale ku dhawaaqay inuu cafis u fidiyay dhamaan saraakiishii hoggaamineysa ciidankii Mucaaridka ee qeybta ka ahaa dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Garoowe
“Wixii ciidan ahaa waxaan halkaan uga baaqaya in Dowladdu cafis u fidiso, oo General Jimacaale u wayn yahay, Waxaan kale oo baaq u dirayaa nimanka siyaasiyiinta ah ee dowlada haaatan ka aragti duwan inay miiska nala soo fariistaan oo wixii sharci ah iyo caqli diyaar ayaan u nahay inaan kala Hadalno.” Ayuu yiri madaxweyne Deni.
Deni ayaa dhinaca kale iska diiday inuu wax gorgortan ah ka galo nooca doorasho uu doonayo maamulkiisa ee ah doorasho qof iyo cod ah, taasoo diidmo xooggan lagala hortagay.
Qaar kamid ah mucaaradka Deni ayaa hadalka madaxweynaha ku micneeyay inuu yahay mid looga gol leeyahay kaliya in lagu marin habaabiyo dad weynaha, waxeyna diideen in mudo kororsi loo sameeyo.