Madaxweyne Guudlaawe oo la kulmay Xildhibaannada ka soo jeeda Beesha Xawaadle

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xalay kula kulmay magaalada Muqdisho qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka ee laga soo doorto Gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa xubnaha uu la kulmay ay isugu jireen Senataro iyo Xildhibaano ka kala tirsan labada Aqal, waxaana ay ka wada hadleen xaalada deegaanada Hirshabelle, siyaasadda, dib u heshiisiin iyo amniga.

Xildhibaannada iyo senataradan ayaa ahaa kuwa ka soo jeeda Beesha Xawaadle, waxaana kulankan bilow u ahaa kulamo Madaxweyne Guudlaawe la qaadanayo xildhibaannada, waxgaradka, siyaasiyiinta iyo bulshada ka soo jeeda Gobolka Hiiraan.

Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in labada dhinac iskula soo qaadeen arrinta Gobolka Hiiraan iyo sidii loo dhameyn lahaa tabashooyinka jira, waxaana la isla gartay in laga wada shaqeeyo amniga, dib u heshiisiinta iyo horumarka deegaanka.

Bannaan baxyo dhowaan ka dhacay Beledweyne ayaa looga soo horjeeday qaabkii loo maray dhismaha labaad ee dowlad goboleedka Hirshabelle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More