Madaxweyne kuxigeenka Jubaland iyo Swan oo ka wada hadlay kuraasta Gedo

April 13 (Jowhar.com)- Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa kulan ku qabsoomay muuqaalka fogaan-aragga la qaatay Danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, iyagoo ka wada hadlay 16-ka kursi ee taala magaalada Garbahaareey, kuwaasoo wali aan xal laga gaarin doorashadooda.

Kulanka waxaa Seyd Aadan ku wehlinayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubaland & qaar kamid ah Xildhibaannada Federalka ee Gedo kasoo jeeda, arrimaha ay dhinacyadan Swan u gudbiyaan waxaa qeyb ka ah in doorashada lagu qabto Kismaayo ama Ceelwaaq, maadaama Jubaland aysan ka arrimin Gedo oo NISA ay si buuxda gacanta ugu heyso.

Qoraal kooban oo ay soosaartay Madaxtooyada Jubbaland waxa ay ku sheegtay in kulanka Sayid Aadan iyo Swan uu kusoo dhammaaday is afgarad balse ma sheegin waxyaabaha sida rasmiga ah lagu heshiiyay.

Arrintan ayaa ku soo beegmeyso xili maalin kahor uu Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe sheegay in beesha caalamka ay u soo jeedisay in laba loo kala qeybiyo 16-ka kursi, qeyb la siiyo Axmed Madoobe qeybta kalena madaxweyne Farmaajo, iyadoo hoggaamiyaha Jubaland uu sheegay inuu soo jeedintaas iska diiday.

Beesha Caalamka ayaa dhinacyada Soomaalida cadaadis ku saareysa dhameystirka doorashada xildhibaanada si loo guda galo dhaarta, loona doorto gudoonka baarlamaanka, kadibna la aado mida madaxtooyada, iyadoo isla maantaba lagu baxay xalinta tabashada Koofur Galbeed oo xildhibaanadeeda diidan yihiin iney qaataan shahaadada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More