Madaxweyne kuxigeenka Jubaland oo gaaray magaalada Ceelwaaq

April 23 (Jowhar.com) -Madaxweyne Kuxigeenka maamulka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi balaaran uu hoggaaminayay ayaa maanta gaaray magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, halkaasoo ay ka socoto doorashada xildhibaanada golaha shacabka.

Sayid Aadan waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay wasiirka amniga Jubaland Dhuumaal iyo saraakiil kale, iyadoo la geeyay halka ay ka socoto howlaha doorashada xildhibaanada ku harsan deegaan doorashada labaad ee Jubaland oo laga dhigay Ceelwaaq, maadaama laga soo wareejiyay magaalada Garbahaareey oo guddiga doorashada Jubaland ay tagi waayeen.

Ceelwaaq waxaa maanta lagu qabanayaa doorashada 5 kursi, iyadoo Jimcihii shalay 11 xildhibaan lagu doortay, tirada guud ee kuraasta taala Gedo waa 16 xildhibaan oo khilaaf jiray darteed sabab u noqotay iney doorashada dib uga dhacaan.

Magaaladan oo amnigeeda ay iska kaashanayaan ciidamada Kenya iyo kuwo Jubaland todobaadkii hore ay geysay waxaa shalay gaaray madaxweyne Axmed Madoobe, wuxuuna goob joog ka ahaa doorashada kursigii u horeeyay, isagoo deg deg ugu laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More