Madaxweyne kuxigeenka Somaliland oo shacabkooda ugu baaqay iney sanadan tagin Xajka oo ay niyeystaan.

June 01 (Jowhar.com)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa faray shacabka Somaliland in aanay sannadkan tagin Xajka oo ay niyeystaan, haddii dowladda Soomaaliya ay kasoo jawaabi waydo caddaalad darro uu sheegay in lagu qaybiyay qoondada Xajka.

Saylici ayaa madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya u qabtay in muddo saddex maalmood ah ay kaga soo jawaabaan arrintan, hadii ay jawaab heli waayaana ay go’aankooda ku taagnaan doonaan.

Saylici ayaa sheegay in 350 xaaji aanay ahayn qoondo ku filan shacabka Somaliland isla markaana aan sinaba loo aqbali karin.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Albaani ayaa hore si adag uga horyimid sida ay dowladda federaalka Soomaaliya u go’aamisay tirada Xujeyda uu Sacuudigu siiyay, taasi oo ay ku dooday inay Somaliland ku laheyd 40%.

Waxa uu sheegay in qoondada Xajka ee ay laheyd Somaliland ay gaareyso 2082 Xaaji, halka dowladda federaalka ay sheegtay inay Somaliland ka xajinayaan 350 Xaaji, taasi oo uu ganafka ku dhuftay Wasiirku.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More