Madaxweyne Putin oo 200 muwaadiniin Mareykanka ah ka maamnuucay inay galaan Ruushka.

Nov. 12 (Jowhar.com) -Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa Jimcihii sheegtay inay ka mamnuucday 200 oo qof oo Maraykan ah inay soo galaan Ruushka, kuwaas oo ay ku jiraan saddex la dhalatay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Cunaqabateyntan ayaa jawaab u ah mid hore oo Washington ay kusoo rogtay shakhsiyaad Ruush ah.

Waxa ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushku in shakhsiyaadka ay mamnuucday ay ku jiraan madaxweyne Biden walaalihiis, kuwaas oo kala ah Valerie Biden Owens, James Brian Biden iyo Francis William Biden.

Waxaa sidoo kale ku jira liiska cunaqabateyntan la saaray xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Karine Jean-Pierre

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More