Madaxweyne Putin oo kulan gaar ah la qaatay ninka damcay inuu af-ganbiyo

July. 10 (Jowhar.com)-Madaxweyne Vladimir Putin ayaa wadahadalo kula yeeshay aqalka Kremlin-ka aasaasaha kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner Yevgeny Prigozhin iyo taliyayaashiisa si ay uga wada hadlaan fallaagada hubaysan ee Wagner oo isku dayay in uu ka soo horjeesto madaxda sare ee ciidamada Ruushka, ayuu maanta sheegay afhayeenka Putin.

Kulanka waxaa markii ugu horeysay wariyay wargeyska Faransiiska ee Liberation, kaasoo sheegay in Prigozhin uu la kulmay Putin iyo madaxa ilaalada qaranka Viktor Zolotov iyo madaxa sirdoonka dibadda ee SVR Sergei Naryshkin.

Kulanka, sida uu sheegay afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov, waxa la qabtay 29-kii June, shan maalmood ka dib markii ay gabood-fallada dhaceen, kaas oo loo arko inuu ahaa caqabadii ugu cusleyd ee soo wajahda Putin tan iyo markii uu xukunka qabtay 1999-kii.

Peskov ayaa saxaafada u sheegay in Putin uu kulanka ku casuumay 35 qof oo ay ku jiraan taliyayaasha ciidamada Wagner, waxaana uu sheegay in kulanka uu qaatay saddex saacadood.

Afhayeenka Kremlinka, ayaa sidookale sheegay in Putin uu dhageystay taliyeyaasha Wagner sida ay wax u dhaceen, waxaana uu u soo bandhigay fursado kale oo shaqo iyo dagaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More