Thursday, February 19, 2026
Home NEWS Madaxweyne Xasan iyo Golaha Mustaqbalka oo maanta Shir uga Furmayo Villa Soomaaliya

Madaxweyne Xasan iyo Golaha Mustaqbalka oo maanta Shir uga Furmayo Villa Soomaaliya

55

Feb 19(Jowhar)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa maanta shir uga furmaya Villa Soomaaliya, kaasoo diiradda lagu saarayo arrimo muhiim u ah dalka.

Shirka oo lagu wado inuu bilowdo 11:00-ka duhurnimo ayaa looga hadli doonaa qodobo ay ka mid yihiin doorashooyinka, dastuurka, abaaraha, midnimada dalka, iyo amniga.

Kulankan ayaa yimid kaddib markii Madaxweyne Xasan uu maalin kahor mucaaradka kula shiray Decale Hotel, halkaas oo uu ku qanciyay in wada-hadallada loo wareejiyo madaxtooyada — arrintaas oo ay mucaaradku aqbaleen.

Shirka maanta waa mid albaabadu u xiran yihiin, warbaahintuna dibad joog ka tahay, iyadoo si aad ah loo koobay ka-qaybgalayaasha iyo xubnaha wehlinaya Golaha Mustaqbalka.

Faahfaahinta iyo natiijooyinka ka soo baxa shirka ayaa la filayaa in saacadaha soo socda la shaaciyo.