Feb 22(Jowhar)-Aqalka Madaxtooyada waxaa goordhow ka furmay shir u rhexeeya golaha Mustaqbalka Soomaaliya & Madaxweyne Xassan Sheikh, waa kulankii 2aad oo wadajir ah, markii ay fashilmeen dadaalo la xariiray in guddiyo kooban is arkaan.
Haddii aan mucjisooyin isbedel siyaasi ah dhicin, lama filayo in horumar laga gaaro qodobada ad adag ee doorashooyinka 2da heer, maadaama dhinac kasta tiisa ku ad adag yahay, cadaadisyo caalami ah ayaa socda oo jawi hoose ah, laakiin iyaga laftirkooda rajo badan kama muuqato.
Mucaaradka ayaa dooda ku aruuriyey Labo qodob oo kala ah; doorasho & Joojinta wax ka bedelka halka dhinac ee Dastuurka, waxayna ku adkeysteen in sharci darro ay tahay mudo xileed iska furan ilaa dastuur layska bedelo.
Shirka kadib waxaa la filayaa in dhinacyada ay warbaahinta la hadlaan.










