Madaxweyne Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar ugu baxay Aadan Yabaal

Mar. 26 (Jowhar.com)-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi balaaran uu hoggaaminayo ayaa safar ugu ambabaxay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh.dhexe, halkaasoo kamid ah meelihii laga saaray kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan waxaa socdaalkan ku wehlinayay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage.

Amniga guud ee magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana halkaasi ka socota diyaar garowgii ugu danbeeyay ee loogu jiro soo dhaweynta wafdigan, iyadoo madaxda Hirshabelle ay joogaan degmadaasi.

Madaxweyne Xasan oo ay u tahay markiisii koowaad uu tago Aadan Yabaal kadib markii laga qabsaday Shabaab ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la filayaa inuu dhiira gelin u sameeyo ciidamadda ku sugan magaalada oo dhowr jeer iska difaacay weerar Shabaab ay ku damacsanaayeen iney kula wareegaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More