Madaxweyne Xasan oo amray in la joojiyo shirka Heritage ee Dhuusa-mareeb

296

Dec 27(Jowhar)-Shirkii Madasha Atagti Wadaaga ee Heritage ayaa dib loo dhigay sababo la xiriira xaaladda soo korortay ee ka dhalatay Aqoonsiga Israel ay sheegtay iney siisay Somaliland.

Mas’uuliyiin iyo Warbaahin garoonka u joogay iney Dhuusa-mareeb u safraan ayaa lasoo celiyay, iyadoo madaxweyne Xasan uu kulan deg deg ah isugu yeeray madaxda dowladda, kuwo dowlad goboleedyada iyo Siyaasiyiinta si looga tashado xaaladda soo korortay.

Shirka wuxuu qorsheysnaa inuu beri ka furmo Dhuusa-mareeb oo uu furo ra’iisul wasaare Xamse.