Madaxweyne Xasan oo deg deg Dhuusa-mareeb ugu yeeray Duqa Muqdisho kadib markii uu ka carooday….

Oct 01 (Jowhar.com)- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Dowlad Goboleedka Galmudug, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, Madaxda Maamulka Magaalada Dhuusamareeb, Siyaasiyiin iyo xubno kale ayaa Garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay wafdiga Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Sida wararku sheegayaan, Duqa Muqdisho ayaa lagu wadaa inuu kulamo kula qaato xarunta gobolka Galgaduud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo abaabul ka dhan ah Shabaab u jooga halkaasi.

Kulamadan oo uu dalbaday madaxweynaha ayaa ujeedkiisu yahay sidii gudoomiye Madaale loogu canaanan lahaa habacsananata amni ee ka jirta Muqdisho oo dhowr qarax iyo dilal qorsheysan ay ka dhaceen maalmihii lasoo dhaafay, kuwaasoo uu ka carooday madaxweynaha.

Madaale iyo Xasan Sheekh ayaa kulankooda looga arinsanayaa sidii caasimada looga sifeyn lahaa koxoda Al-Shabaab, iyadoo xoggo la helay ay muujinayaan in xubnihii laga soo eryaday gobolada dalka ay kusoo dhuumanayaan caasimadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo mudo kudhow laba bil ku sugan magaalada Dhuusa-mareeb oo uu ka wado dagaalka ka dhanka ah Shabaab ayaa dhinaca kale ku qaabilaya halkaasi wufuud kala duwan oo ay ku jiraan wakiilada beesha caalamka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More