Madaxweyne Xasan oo gaaray Baydhabo iyo kulamo uu la leeyahay Lafta-gareen

Oct 18 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed, goleyaasha kala duwan iyo bulshada Koonfur-galbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu joogo Baydhaba booqan doona deegaanno ka tirsan Koonfur-galbeed ayaa xoogga saaraya abaabulka howlgallada dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab oo wajiga labaad laga fulin doono deegaannada Jubbaland iyo Koonfur-galbeed.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More