Feb 18(Jowhar)-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu danbeyn madaxda Golaha Mustqqbalka ku qanciyay in shirka dowladaa iyo mucaaradka uu ka dhoco Aqalka dalka looga arrimiyo ee Villa Soomaaliya.
Tillaabadan ayaa dhacday kadib markii shalay madaxweyne Xasan uu kulan gaar ah la qaatau madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubalamd oo uu kulan gaar qanciyay in madaxtooyada ay noqoto halka gogosha wadahadalka ay ka dhaceyso.
Sida xogaha hordhaca ah ay tilmaamayaan, maalinimada beri oo Khamiis ah ayuu shirka furmayaa, waxaana haatan kulan gaar ah xubnaba Golaha Mustaqbalka oo ku shirsan Airport Hotel oo Deni iyo Madoobe ay dagan yihiin.
Waxa ay ka tashanayaan hanaanka ay tahay iney madaxtooyada ku tagaan, Kooxda hab maamuuska ee loo ogol yahay oo ay wadan karaan iyo saxaafada.









