Madaxweyne Xasan oo Imaaraatka la wadaagay halka ay mareyso baaritaanada weerarkii Jen Gordan

Feb 13 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday Safaraadda Imaaraatka Carabta ee Muqdisho ayaa kulan is-xogwareysi iyo tacsiyeyn ah la qaatay Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay ahmiyadda xiriirka soojireenka ah ee labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo kobicinta dhaqaalaha.

Madaxweyne Xasan ayaa dhinaca kale Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi siiyay warbixin ku saabsan baaritaanada dowladda ay ku wado qaabkii uu u dhacay weerarkii saraakiil Imaaraatka Carabta ka tirsan lagu laayay ee ka dhacay gudaha xerada Jeneraal Gordon ee magaalada Muqdisho.

Weerarkaas oo uu fuliyay askari xerada lagu tababaray ayaa dhaliyay shaki xooggan, iyadoo laga cabsi qabo iney arrinta hoos u dhigto xiriirka xukuumadaha Muqdisho iyo Abu Dhabi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More