Madaxweyne Xasan oo ka hadlay wararka sheegaya inuu la wareegay shaqadii ra’iisul wasaaraha

May. 02 (Jowhar.com)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay ka hadlay warar dhawaanahan la isla dhexmaarayay baraha bulshada oo ahaa iney la wareegeen awoodii ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Madaxweyne Xasan oo ka hadlayay kulan su’aalo weydiin ah oo xalay lagu qabtay hoteelka Jazeera ayaa sheegay ineysan jirin wax fara gelin ah oo ay ku hayaan xukuumadda, isagoo su’aal iska weydiiyay cida buun buunineysa arrintaasi.

“Awoodaha Ra’iisul Wasaaraha waxay ku qeexan yihiin dastuurka dalka, shaqada ugu badan ee deyn cafinta iyo xoreynta dalka waxaa hoggaaminaya Wasaaradaha Maaliyadda iyo Gaashaandhigga, labaduna waxay ka tirsan yihiin Golaha Xukuumadda, waana shaqada ugu ballaaran ee hadda socota. Xafiiska Madaxweynaha waxa ka socda waa talo-bixin iyo jiheyn, shaqadana waxaa fuliya Golaha Xukuumadda,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale balanqaaday in kulamada madaxda dowladda iyo dadweynaha la joogteyn doono, fadhiyada ugu soo horeeyo ayuu shaaciyay in lagula xisaabtami doono oo su’aalo lagu weydiin doono ra’iisul wasaaraha, kuxigeenkiisa iyo golaha wasiirada, bishiiba mar ayuu ku taliyay inuu qabsoomo kulamadan oo kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More