Nov 22(Jowhar)-Magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn looga xusay Maalinta Macalinka Soomaaliyeed, iyadoo munaasabadda weyn ay ka Socoto Garoonka Cayaaraha Muqdisho, halkaas oo ay isugu tageen boqolaal arday oo ka kala socday iskuullo dalka ka jira.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kasoo qayb-galay munaasabadda, waxaana wehliyay Wasiirka Waxbarashada, mas’uuliyiin kale oo heer federaal iyo heer gobol ah, iyo marti sharaf kale oo badan.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo halkaasi ka hadlay ayaa ammaanay macalimiinta Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in dowladda ay ka go’an tahay kor u qaadista tayada waxbarashada iyo dhiirrigelinta xirfadda macallinimo.











