Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galaya furitaanka biya xireenka GERD ee Itoobiya

0
108

Sep 08(Jowhar)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalaya furitaanka Biyo Xireenka GERD ee Itoobiya oo qorshaha yahay inuu beri qabsoomo.

Saraakiil katirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh aqbalay martiqaadka munaasabadda xarig jarka GERD.

Abiye Axmed ayaa la filayaa inuu munaasabadaasi geeyo madax badan oo Afrika ah oo Addis u jooga ka qeyb galka shirka Cimilada ee Afrika.

Si kastaba, biyo xireenkan ay Itoobiya korontada ka dhalinayso wuxuu leeyahay waji colaadeed, iyadoo Masar iyo Suudaan ay si wadajir ah u sheegeen inay ka soo horjeedaan iskuday kasta oo Itoobiya ku go’aaminayso qulqulka biyaha wabiga Niilka.

Waxaa sare usii kacaya walaac ku saabsan suuragalnimada iney qaraxdo xiisad militari oo u dhexeysa Itoobiya iyo Eriteriya, iyadoo dadka falanqeeya siyaasadda gobolka ay tilmaamayaan in xaaladda ay marayso meel xasaasi ah.