Madaxweyne Xasan oo la kulmay madaxda IMF iyo Bankiga Adduunka

Dec 14 (Jowhar.com)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulamo kula qaatay xarumahooda magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Mas’uuliyiinta ka tirsan hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka ayaa uga mahadceliyay doorkoodii guushii taariikhiga ahayd ee dalkeennu ka soo hooyay barnaamijka deyn cafinta.

Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiintan kala hadlay sidii hay’adahoodu ay markale Soomaaliya ugu garab istaagi lahaayeen xaqiijinta himmilooyinka dhaqaale ee u dagsan, tayaynta hay’adaha maaliyadda, kor u qaadista dakhliga iyo maalgashiga caalamiga ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More