Madaxweyne Xasan oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar

74

Dec 07(Jowhar)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Doha kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr. Badr Cabdulcaati, intii uu socday Madasha Doha.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo kor u qaadidda iskaashiga istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Masar.

Masar ayaa mar kale ku celisay inay sii wadi doonto taageerada ay u fidiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga, la-dagaalanka argagixisada, iyo dhismaha hay’adaha dowladda. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay diyaar-garowga hawlaha AUSSOM ee Midowga Afrika.

Gebogabadii, waxaa la isku raacay in la kordhiyo iskaashiga dhow iyo in si hufan loo sii wado barnaamijyada labada dal ay wadaagaan.