Madaxweyne Xasan oo maanta bilaabayo safar uu ku tagayo furimaha dagaalka Shabaab.

Nov. 19 (Jowhar.com) -Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta bilaabayo safar uu ku tagayo furimaha dagaalka ee maamulada Galmudug iyo Hirshabelle,waxaana aqalka madaxtooyada ka socdo diyaar garowgii u danbeeyay.

Masaxweyne Xasan waxa uu ku hormarayaa magaalada Cadaado, halkaasoo ay haatan ku sugan yihiin wafdi isugu jira ciidan iyo shaqaale ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya.

Sida qorshaha yahay, madaxweynaha waxa uu Cadaado oo Galgaduud ah uga sii gudbayaa dhanka Baxdo iyo Qaayib, sida ay shegeyso xogtaan, sidoo kale waxaa suurta gal ah inuu tago Wisil iyo Dhuusamareeb, kadibna uu uga sii gudbo Beledweyne ilaa Maxaas.

Arrintan ayaa qorsheheedu yahay in hoos loogu dhigo hadal heyn maalmahan taagneyd oo la xiriirtay inuu istaagay howlgaaldii ka dhanka ahaa Shabaab, iyadoo ciidamadda dowladdana ay dib uga soo bexeen deegaano dhowr ah oo ay hore Shabaab uga qabsadeen, taasoo sabab looga dhigay qorshe la’aanta dowladda.

Madaxweynaha ayaa maalmahan lagu eedeenayay inuu ka dhamaan la’yahay safaro dibadda ah oo qaarkood aan micno weyn ku fadhin oo wasiirafa xukuumadda loo diri karay, sida shirkii u danbeeyay cimilada ee lagu soo gaba gabeeyay magaalada sharm el sheikh ee dalka Masar.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More