Aug 21 (Jowhar) Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlaya arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin hindisaha doorashooyin qof iyo cod ah, wax-ka-bedddelka Dastuurka iyo wadahalladii u dhaxeeyay dawladda iyo mucaaradka.
Xasan Sheekh ayaa ku dhalliilay xubnaha mucaaradka ee la baxay Madasha Samatabixinta in ay iyagu lahaayeen sababta keentay in isfahan la gaadhi waayo.
“Waar maxaad diiddan tihiin dastuurka waa badan yahay e’. Waxa la yidhi cutub la yidhaahdo afraad oo ka mid ah afartii cutub ee dib loo eegay, ha la celiyo. Cutubkii afraad ee ku jiray 2012, haddii uu na anfacayo mid kalaba lama sameeyeen. Na ma anfacayo.
Cutubka afraad qaata kan aad rabtaan soo qora oo aan ka wada hadalno. Saddexdii shir ee ugu horreeyay waxba waa ay keeni waayeen.
Kii afraad ayay qodobbo keeneen. Waan oggolaanay in aan baarlamaanka ku celinno. [waxaan dhahnay] tan waan oggol nahay ee wixii kale aan ka wadahadalno.
Maya e’ tan hala ansixiy, wixii kalana ha laga wada xaajoodo. Maalin walba wadaxaajood ma wadi karno, ” ayuu yidhi madaxweynaha Soomaaliya.