Madaxweyne Xasan oo New York kula kulmay mas’uuliyiin ka tiraan dowladda Mareykanka

0
27

Sep 23(Jowhar)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York kulan gaar ah kula yeeshay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka, xilli uu ka qaybgalayo shirweynaha guud ee Qaramada Midoobay.

Kulanka ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh uu la qaatay Madaxa Arrimaha Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka Marwo Allison Hooker, La-taliyaha Arrimaha Afrika ee Madaxweyne Donald Trump Mudane Massad Boulos, iyo Ku-xigeenka Kaaliyaha Arrimaha Afrika Mudane Vincent Spera.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay adkaynta xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada, iyo taageerada dadaallada lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.