Madaxweyne Xasan oo saaka Safar Ku Tagaya Addis Ababa, Xilli Cadaadis Siyaasadeed Jiro

1

Dec 19(Jowhar)-Madaxweyne Xasan ayaa saakay safar hal maalin ah ku tagaya magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, iyadoo la qorshenayo inuu isla maanta dib ugu soo laabto dalka.

Madaxweynaha ayaa ka dhoofaya Qeybta Hangarka ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in safarka Addis Ababa uu la xiriiro kulammo iyo wadatashi heer gobol ah oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Safarkan ayaa imanaya xilli madaxweynaha uu wajahayo cadaadis siyaasadeed oo isa soo taraya, kaas oo kaga imaanaya dowladaha reer Galbeedka, iyadoo cadaadiskaasi loo marayo dalalka deriska ah ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku lugta leh arrimaha gobolka.

Dalka Soomaaliya ayaa haatan wajahaya xaalad cakirnaan siyaasadeed, taas oo ka dhalatay wax ka beddel lagu sameeyay dastuurka iyo dhismaha Guddiga Doorashooyinka, arrimahaas oo si weyn ay uga horyimaadeen Madasha Mucaaradka, iyo sidoo kale maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland, kuwaas oo diidmo cad ka muujiyay hanaanka socda.

Khilaafka siyaasadeed ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo mustaqbalka geeddi-socodka doorashooyinka iyo midnimada siyaasadeed ee dalka, iyadoo beesha caalamku si dhow ula socoto xaaladda Soomaaliya.

Safarkan ayaa kusoo aadaya xilli xasaasi ah, iyadoo indhaha siyaasiyiinta gudaha iyo beesha caalamkuba ay ku sii jeedaan jihada uu qaadi doono hoggaanka dalka maalmaha soo socda.