Madaxweyne Xasan oo safar deg deg ah ku gaaray dalka Eritrea

Madaxweyne Xasan oo safar deg deg ah ku gaaray dalka Eritrea

Mar. 13 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa goordhow gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea, halkaasoo uga bilaabatay booqasho labo maalin ah.

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha, iyadoo loo galbiyay goobta loo diyaariyay wafdigan.

Waxa ay ka wada hadli doonaan, xoojinta xiriirka, arrimaha gobolka, waxaana dEritrea tababar uga socda kumanaan Ciidamo ah oo dhowaan loo qaaday, iyadoo bilo ka hor qeybo ka mid ah ciidamadii muddada sanadaha dalkaas tababarka ku soo qaatay ay dalka dib ugu soo laabteen.

Si kastaba, Waa booqashadii 3aad oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku tago Eritrea 10 bilood oo Xafiiska uu joogo, waxaana isaga iyo Isaias ay gaari doonaan heshiis hor leh.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More