Madaxweyne Xasan oo safar deg deg ah ugu baxay Eritrea iyo Qoor qoor uu u xilsaaray…..
Oct 08 (Jowhar.com)-Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta safar ugu ambabaxay dalka Eritrea ayaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor u xilsaaray dardar-gelinta iyo hagidda howlgalada deegaanada Galmudug looga xorreynayo Argagixisada, sida lagu shaaciyay Villa Somalia.
Qoraalka Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu safarka kaddib uu halkiisa ka sii wadi doono hoggaaminta dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, kaddib markii uu shalay Muqdisho ku soo laabtay tan iyo horaantii bishii Agosto oo uu saldhigtay Dhuusamareeb.