Madaxweyne Xasan oo Sheegay in saraakiil ciidan ay qaraxyada soo galiyaan Muqdisho.

Dec. 24 (Jowhar.com)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho iyo sida ay Shabaab kusoo galshaan magaalada gawaarida ay qaraxyada ka buuxaan.

Madaxweyne Xasan oo ka hadlay munaasabad ka dhacday Muqdisho, isagoo uu dhinac taagan yahay taliyaha ciidanka booliska ayaa si aan ganbasho leheyn u qiray in saraakiil ciidan ay Shabaab magaalada usoo galiyaan qaraxyada oo ay usoo dhaafiyaan baraha kontrol ee ciidamadda gawaarida ku hubiyaan.

“Fulay xantiisa ma mooga Qaraxyada magaalada Muqdisho ka dhaca Baabuurta Ciidamada ayaa lagu soo galiyaa,Saraakiil ayaa Checkpointiyada ka soo fasaxa oo Askarta amar siiya” ayuu yiri madaxweynaha.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhinaca kale sheegay iney baaritaano ku socdaan saraakiil ciidan oo gawaari ay soo daayeen uu qarxay, kuwaasoo akoonadooda bank-yada lagu arkay lacago badan oo uu sheegay iney tuhunsan yihiin iney ku heleen gawaaridaaas qaraxyada ah oo ay soo daayeen.

Si kastaba, hadalka madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xili uu socdo baaritaanada weerarkii Shabaab ee Villa Rose Hotel, isla mar ahaantaasina uu darawalka gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Maxamed Mursal uu u baxsaday Shabaab kadib markii uu soo galay raadka weerarkaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More