Madaxweyne Xasan oo sheegay in waxa ka socda Qasa ay ka soo horjeedaan xeerrarka caalamiga ah

Nov 12 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay shirka wadamada Islaamka ee ka dhacay magaalada Riyaad ayaa sheegay in shacabka iyo dawladda Soomaaliyeedba ay ku garab taagan yihiin walaallahooda Falastiiniyiinta gobanimadooda iyo dawladnimadooda.

Madaxweyne Xasan ayaa yiri “Waxa ka socda Qasa waxay ka soo horjeeddaan damiirka aadamaha iyo dhammaan xeerarka iyo dhaqanka Caalamiga ah, si loo joojiyo waa in aan la nimaadnaa go’aan mideysan.

Dowlad madax bannaan oo reer Falastiin yeeshaan, caasimaddeeduna tahay Qudusta bari waa xalka kaliya ee lagaga hortagi karo qalalaase amni, siyaasadeed iyo bulsho oo ka dhaca Gobolka”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sedex shir uga qaybgalaya dalka Sucuudiga, mid wadamada carabtu leeyihiin, mid wadamada islaamku isku arkayaan, iyo midka Sucuudiga iyo Afrika

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More