Friday, March 20, 2026
Home NEWS Madaxweyne Xasan oo sheegay inuu diyaar u yahay in wada-hadal laga galo...

Madaxweyne Xasan oo sheegay inuu diyaar u yahay in wada-hadal laga galo qodobada hortabinta dalka u leh

120

Mar 19(Jowhar)-Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in wada hadal laga galo qodobada waa weyn ee hortabinta leh ee dalka yaala waqtigam, wuxuu sheegay in uu sannad kusoo jiray wada hadal oo dhankooda ay ka go`an tahay.

MW Xassan Sheikh ayaa sheegay in uu 90 Maalmood oo cafis ah siiyey maleeshiyaadka ee Argagixisada ah, taas oo habraacyadeda ay Hay’addaha amniga ka shaqeynayaan, kuna beegantay xili ay doodo waa weyn jiraan.

Warkan madaxweynaha ayaa kusoo aadaya xili safkiisa siyaasadeed uu gaabanayo, saaxiibadii isku raranka ahaa ay kala dhaqaaqayaan, Koonfur Galbeedna ay Doorasho Dad-ban aaday, taas oo ay Villa Somalia hub ku daabulayso deegankaas si ay uga adkaato Laftagareen oo saaxiib lasoo ahaa 4tii sanno ee lasoo dhaafay.