Madaxweyne Xasan oo shir aan caadi eheyn uga qeyb galaya Jabuuti

Dec 09 (Jowhar.com)- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay fiidkii ka dagay dalka Jabuuti, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Xasan ayaa halkaasi u tagay ka qeyb galka shirka aan caadiga eheyn oo ay isugu imanayaan madaxda urur goboleedka IGAD.

Shirkan oo ah kii 41-aad ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo ay kamid tahay dagaalka Shabaab iyo wax ka qabashada dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha ku dhuftay dalka.

Madaxweyne Xasan waxa uu sidoo kale shirkan kadib kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa madaxda IGAD, wuxuuna kala hadli doonaa xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo taageerada hormarka dowladda.

IGAD dowladaha xubnaha ka ah oo 8 ah ayaa kala ah; Soomaaliya, Jabuuti, Kenya, Uganda, Itoobiya, Suudaan, Eritrra iyo South Sudan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More