Madaxweyne Xasan oo u safray furimaha dagaalka Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.

Nov. 19 (Jowhar.com) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ugu amba-baxay qaar ka mid ah deegannada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray argagixisada iyo abaabulka dagaalka lagaga xoreynayo dalka waxa uu furimaha dagaalka kaga dhagaysan doonaa Talisyada iyo Saraakiisha hoggaaminaysa howlgallada, isagoo ku bogaadinaya sida naf-hurnimada leh ee ay u diifaacayaan dalkooda, ugana xoreynayaan argagixisada.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u kuur-geli doona xaaladda nololeed ee ka jirta deegaanno ka tirsan gobollada uu booqanayo ee Hiiraan, Galguduud iyo Mudug.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More