Madaxweyne Xasan oo weerar Afka ah ku qaaday mucaaradka shirka uga socdo Kismaayo

29

Dec 20(Jowhar)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay shirka ay mucaaradku ku leeyihiin magaalada Kismaayo, isaga oo diray farriin ku saabsan wadahadal, tanaasul iyo isfaham siyaasadeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay diyaar u tahay in ay la dooddo mucaaradka, wuxuuna ugu baaqay inay la yimaadaan go’aan cad oo la fahmi karo, si wadahadal macno leh loo yeesho.

“Walaalaha ku shiraya Kismaayo waxaan leenahay: go’aan soo gaara oo wax la fahmi karo la imaada, waan idinkala doodeynaa,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa su’aal geliyay ujeeddada shirka Kismaayo, isaga oo sheegay inuusan fahmin sababta doodaha qaarkood loogu wareejinayo meelo ka baxsan caasimadda.

“Ma aqaan caqliga Hotel Jaziira kusoo dagi waayay ee Kismaayo ku soo dagaya,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay inuu u furan yahay albaabbada wadahadalka, isla markaana ay diyaar u yihiin tanaasul, xitaa haddii ay noqoto in dib looga laabto tallaabooyin hore loo qaaday.

“Walaalaheenna shakiga naga qaba, waxaan diyaar u nahay tanaasul. Albaabadu way furanyihiin, aan doodno, xitaa haddii labo tallaabo dib naloo celiyo waa ogolnahay,” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa imanaya xilli uu muran siyaasadeed ka taagan yahay hannaanka doorashooyinka iyo jihada siyaasadda dalka, iyadoo shirka Kismaayo ay ku mideysan yihiin qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka.