Madaxweyne Xasan oo Xamze iyo Xoosh amray in mudo 30 cisho ah lagu dhiso Jubaland cusub

0
40

Nov 07(Jowhar)-Madaxweyne Xasan Sh ayaa Raisul Wasaare Xamse iyo Wasiirka Arimaha Gudaha u gudbiyay xiliga, qorshaha iyo doorashada Jubaland.

Mudane Xasan aya faray masuuliyinta Wasaradda Arimaha Gudaha in 30 cisho gudaheed lagu dhiso Dowlad Goboleed cusub oo Jubaland. Wuxu Madaxweynaha ku war-galiyay kooxdiisa in musharaxa dowladda uu yahay Senator Fartaag, wuxuna codsaday in lagu taagero, cidi ku heysatana laga reebo oo la qanciyo.

Raisul Wasaare Xamse iyo Agaasime Mahad Salad aya soo jeediyay in Madaxweynaha new Jubaland la siiyo Cabdirashid Janan balse Xasan Sh aya balan-qaaday inuu Janan ku abaal-marin doono Wasiirka Amniga Qaranka oo Fartaag uuka tagayo hadi Jubaland cusub la sameeyo.

Madaxweyne Xasan Sh aya doonaya inuu Guddomiye Shimbir ama qof uu keensaday uu ka dhigo Wasiru Dowle, xilal kalana ku abaal-mariyo maadama uu doorka ugu weyn uu ku leeyahay qorshaha socdo. Wasiirka Arimaha Gudaha Cali Xoosh aya la filaya inuu Garbaharey tago maalinimada axadda.