Madaxweyne Xasan oo xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Jaamacadda Ummadda

Oct 15 (Jowhar.com)-Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helay ilo wareed muhiim ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan uu xilka ka qaaday Guddoomiyihii Jaamacadda Ummadda Dr. Xasan Cumar Mahad-Alle, waxaana Sii Hayaha Guddoomiyaha Jaamacadda loo magacaabay Dr. Xasan Cismaan Gacal.

Lama oga in xil ka qaadistan la xiriirto baxsashadii Madaxii Kulliyadda Arrimaha Bulshadda Qeybta Saxaafadda Nageeye Cali Khaliif oo ku biiray Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Jaamacadda ee xilka laga qaaday ayaa dhowaan cabasho ka keenay hannaanka Maamul ee Jaamacadda oo ay muuqatay in hoggaanka jaamacadda uu is qabqabsi dhanka maamulka ka jiray, kaddib markii uu khudbad ka jeediyay Shirkii Arrimaha Waxbarashada ee Heritage soo qaban qaabisay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More