Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Isbitaalka Digfeer oo la dhigay dhaawacyada Saraakiisha Imaaraatka

Feb 10 (Jowhar.com)-Wararka dheeraad ah ayaa ka soo baxaya toogashadii caawa ka dhacday Xerada Jen. Gordon oo ay saldhig ku lahaayeen Saraakiisha Tababarka Ciidanka Imaaraadka ee tababara Ciidanka loo yaqaan Boolis Milataare.

Illaa shan Sarkaal ayaa toogashada ku geeriyooday, halka labo kale uu ku dhaawacmeen. Warar aan goordhow helay ayaa sheegaya in Sarkaalka ugu sareeya Saraakiisha Imaaraadka oo markii hore ay soo baxday inuu geeriyooday ayaa waxaa hadda la ii xaqiijiyay in dhaawac culus yahay oo xaalad Koomo ah uu ku jiro, laguna daweynayo Isbitaalka Erdogan, waxaa Sarkaalia lagu magacaabaa Col. Maxamed Mubaarak.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa goordhow gaaray Isbitaalka Erdogan oo la dhigay dhaawaca Saraakiisha Imaaraadka.

Ilo wareedyo aan ka helnay gudaha xerada Jen. Gordon ayaa sheegaya in askariga dilka geystay uu ka mid ahaa Ciidamada amniga Xerada gacanta ku haya, kaasoo marki dambe la toogtay, wuxuu ka mid ahaa Guutada 28aad ee lagu soo tababaray dalka Uganda oo ahaa ciidankii u dambeeyay ee lagu soo tababaray Uganda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More