Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Kampala iyo kulan uu la yeelanayo Museveni.

August 08 (Jowhar.com)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Kampala ee dalka Uganda, waxaa uu kulan labo geesood la yeelanayaa dhiggiisa Uganda Yoweri Museveni oo uu martiqaad rasmi ah helay.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Uganda ayaa ka qeyb galaya shir looga hadlayo Ganacsiga iyo Maalgashiga oo u dhaxeeya labada dal, ayna ka qeyb geli doonaan Ganacsato labada dal ka socota.

Safarkan ayaa noqonaya kii 8-aad uu madaxweynaha uga boxo dalka wax ka yar 100 maalin, waxa uu hore u booqday dalalka Imaaraatka Carabta,Turkey,Eritrea,Kenya,Jabuuti, Tanznia iyo Masar.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More