Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Doxa ee dalka Qadar

Mar. 04 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo Shirka ay hoggaaminayso Qaramada Midoobey ee dalalka soo koraya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ka qeyb galayaan Madasha 5-aad ee dalalka soo koraya, waxa ay kulammo la qaadan doonaan madaxda iyo hoggaamiyeyaasha ka soo qeyb-galaya madashan, si loo xoojiyo danaha iskaashi ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu la kulmo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qatar.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee magaalada Doxa ee dalka Qadar ayaa ku soo beegantay xilli ay Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya ay wadatashi ugu yeertay Safiirka Soomaaliya ee dalka Qatar Amb. C/risaaq Faarax Cali Taano.

Wasaaradda ayaa si KMG ah Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Qatar ugu magacawday Ruun Saciid Qoorsheel.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More