Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Garoowe kadib markii Deni diiday inuu soo boqodo RW Xamse

August 24 (Jowhar.com-Magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland waxaa ka socota diyaar garowgii ugu danbeeyay ee loogu jiro soo dhaweynta madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo beri halkaasi laga sugayo.

Wafdi horudhac u ah madaxweynaha oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Huruuse oo deegaankaasi ka soo jeeda ayaa maanta ku wajahan Garoowe, si uu gogol xaar ugu noqday wafdiga madaxweynaha, una sii diyaariyo jadwalka howlaha madaxweynaha ee halkaasi.

Madaxweynaha dalka ayaa Siciid C/llaahi Deni kala hadli doono sidii la isugu soo dhaweyn lahaa maamulkaasi iyo dowladda dhexe, xal deg deg ahna looga gaari lahaa wixii mad madow ah ee ka dhex jira labada dhinac, iyadoo ay jiraan eedo ay maamulka Puntland ka tirsaneyso madaxda sare ee dalka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qorshaha ahaa inuu Garoowe tago ra’iisil wasaare Xamse Cabdi Barre balse Deni uu iska diiday, isagoo ku adkeystay inuu madaxweynaha halkaasi tago isaga kaliyana ay kala hadlayaan wixii tabasha ah oo ay ka qabaan dowladda dhexe.

Safarkan ayaa ku soo beegmay maalmo yar kadib markii Garoowe ay ka laabteen saraakiil sar sare oo Itoobiyaan ah oo madaxweyne Deni kala hadlay sidii ay iskaashi uga yeelan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Shabaab, iyadoo aaney jirin wax macluumaad ah oo dowladda laga siiyay safarka Saraakiishan Itoobiyaanka ah oo hore sidaasoo kale u tagay Baydhabo.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More