Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyay magaalada Abu Dhabi.

June 19 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi ee caasimadda dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha oo martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Isu-tagga Imaaraatka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid ayaa kala hadli doona madaxda dalkaas xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatku ay u xoojin lahaayeen iskaashiga miro-dhalka ah ee dhinacyada maalgashiga, diblumaasiyadda iyo dhaqaalaha.

Ra’iisil wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa bilihii la soo dhaafay dib u soo nooleeyay xiriirka labada dal kadib markii uu go’naa tan iyo bishii April 2018, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka mid ahaa siyaasiyiinta inta aanu xilka qaban u ololeyn jiray in la hagaajiyo xiriirka Imaaraadka Carabta, maadaama ay si weyn isugu xiran yihiin Soomaalida, oo ay wadaagaan dano ka waaweyn kuwa Qatar, si gaar ahna ganacsiga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More