Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar deg deg ah ugu baxay dalka Eritrea.

Nov. 10 (Jowhar.com) -Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar deg deg ah ugu amba-baxay dalka Ereteriya, halkaas oo ay joogaan kumanaan askar Soomaali ah oo tababar ku dhameystay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mudnaanta siinaya Ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas iyo kor u qaadidda doorka dalalka Gobolku ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa dhigiisa dalka Ereteriya Mudane Asias Afwerki la yeelan doona wada-xaajoodyo ku saabsan kor u qaadidda xiriirka labada dal iyo iskaashiga labada shacab ee walaalaha ah.

Safarkan ayaa kusoo beegmaya xili maanta qeybo kamid ah caasimadda ay ka dhaceen banaanbax ag dhigeen waalidiinta caruurta askar ahaanta dalkaasi loogu qaaday, iyagoo madaxweynaha ka dalbaday inuu ka dhabeeyo balantiisio eheyd in dalka dib loogu soo celin doono.Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar deg deg ah ugu baxay dalka Eritrea.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More