Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shir isugu yeeray Madaxda Maamul Goboleedyada

April 16 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iskugu yeeray madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir kulan soconaya muddo labo cisho ah.

Xasan Sheekh Madaxweynaha Soomaaliya ayaa warqado casuumaad ah u kala direy madaxda maamul goboleedyada Puntland, Jubaland, Koonfur Glabeed, Galmudug, Hirshabelle iyo maamulka gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa waxa uu ka dhici doonaa magaalada Muqdisho inta u dhaxaysa 20-ka ilaa 21-ka Bishan April.

Warqada Martiqaadka ee loo kala direy madaxda maamul goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in shirka loogaga hadli doono arrimo masiiri ah oo ay ka mid yihiin la dagaalanka argagixisada iyo dhammaystirka dastuurka dalka.

Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ayaan laga hayn diidmo iyo ayidaad ku aadan ansixinta cutubyo ka mid ah dastuurka dalka oo ay ansixiyeen xildhibaanada golaha shacabka iyo kuwa Aqalka Sare uuna saxiixay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hase yeeshee Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa ka soo horjeestey wax ka beddel lagu sameeyey cutubyo ka tirsan dastuurka dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More